RASMI: Ac Milan Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Weeraryahanka Krzysztof Piatek

Kooxda Ac Milan ayaa si Rasmi ah ula saxiixatay saxiixa weeraryahanka aadka loo qiimeeyo ee Krzysztof Piatek kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Genoa iyada oo ka bixiysay lacag dhan 35 milyan oo euro iyo lacag guno ah.

23 Jirkan reer Poland ayaa Genoa kaga soo biiray kooxda Cracovia Krakow waxana uu si deg-deg ah u noqday xiddigaha ugu fiican horyaalka.

Xiddiga ayaa dhaliyay 19 gool 21 kulan oo uu u saftay kooxdiisa tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Piatek ayaa saaka ku baasay tijaabada caafimaada kooxda Ac Milan waxana uu qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2023 ah.

Xiddiga ayaa maalinta bari ah ee khamiista si Rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa saxaafada iyo taageerayaasha kooxdiisa.

Piatek ayaa doortay in uu qaato Lambarka 19 inkasta oo ay kooxda Ac Milan u soo bandhigtay No.9 oo ay soo xidheen xiddigo badan oo halyeeyo ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here