RASMI: 24 Ka Xul Qaran Ee Ka Qayb Galaya Koobka Qaramada Afrika Ee CAF 2019 Oo Dhamaystirmay Iyo Waqtiga Isku Aadka La Samaynayo.

Waxaa ugu danbayn la dhamaystiray liiska 24 ka xul qaran ee ka qayb galaya tartanka xulalka qaramada qaarada Afrika ee CAF 2019 waxayna hadda 24 kan xul sugayaan in loo sameeyo isku aadka wareega finalada ee bug baxa iyada oo bilaha June -July 2019 la qaban doono tartankan.

Waxaa jira xulal markii ugu horaysay taariikhda u soo baxay koobka qaramada Afrika oo ka soo gudbay heerkii groupyada waxaana ka mid ah xulka qaranka Burundi oo Gabon tartankan ka cidhibtiray laakiin muruqyo waynta Afrika ayaa dhamaantood qayb ka ah xulalka 24ka ah ee heerkii groupyada ka soo baxay.

Waa Kuwee 24ka Xul Qaran Ee Iskugu Soo Hadhay Koobka Qaramada Afrika?Sawirkan hoose si buuxda ugaga bogo jawaabta su’aashan iyo xulalka iskugu soo hadhay CAF 2019.

Goormaa La Samayn Doonaa Isku Aadka Koobka Qaramada Afrika?

Sida uu shaaciyay xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee CAF, waxaa isku aadka koobka qaramada Afrika la samayn doonaa maalinta jimcaha ah ee April 12, wuxuuna isku aadku ka dhici doonaa magaalada Qahira (Cairo) ee dalka Masar markaas oo ay xulalka isku soo hadhay ogaan doonaan halka ay dagaalka ka sii wadan doonaan.

Natiijooyinkii Kulamadii Xalay iyo Shalay Galabtii Laga Ciyaaray Koobka Qaramada Afrika:

Malawi 0-0 Morocco (Group B)

Sudan 1-4 Equatorial Guinea (Group A)
Gool dhaliyaasha: Mokhtar 15/ Nsue 19, 36 pen, Ganet 49, Obiang 86

Nigeria 3-1 Seychelles (Group E)
Gool dhaliyaasha: Ighalo 35 pen, Onyekuru 51, Simon 90/ Melanie 41

Burkina Faso 1-0 Mauritania (Group I)
Gool dhaliyaha: Traore 19

Botswana 0-1 Angola (Group I)
Gool dhaliyaha: Eduardo 22

Tunisia 4-0 Eswatini (Group J)
Gool dhaliyaasha: Ben Youssef 21, Badri 33, Sliti 53, Meriah 61

Algeria 1-1 Gambia (Group D)
Gool dhaliyaasha: Abeid 42/ Danso 90

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here