Rashford, Alderweireld, Bale, Oblak, Hazard, Rodriguez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Man United ayaa bixin doonta lacagta 25 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa laakiin wali wax xiriir ah lamay samayn kooxda Tottenham (Sun).

Xiddigaha Man United ayaa laga jari doonaa 25% mushaharkooda hadii ay kooxdu ku fashilanto in ay u soo baxaan tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto Saxiixa Eden Hazard iyaga oo haatanba diyaarinaya Guriga uu xiddigu ka dagi lahaa Spain (Sun).

Kooxda Man City ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Gremio ee Everton marka la gaadho suuqa xagaaga iyada oo lagu heli karo lacag dhan 45 milyan oo euro (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw in ay waydo saxiixa xiddiga Thorgan Hazard kaas oo ay Borussia Dortmund u doonayaan badalka Christain Bulisic (Sun).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa mar kale Kooxdiisa u sheegay in uuna wax niyad ah u hayn in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Chelsea (Telegraph).

Kooxda Atletico Madrid ayaa albaabka ka xidhanaysa kooxda Man United iyaga oo heshiis cusub ka saxiixanaya goolhaye Jan Oblak heshiiskiisana ku xidhaya lacag dhan 129 milyan oo euro (Mail).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda isaga oo 5-ta sano qaadan doona lacag dhan 78 milyan euro (Mirror).

Xiddiga garabka weerarka uga cyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaan wax xiiso ah u qabin in uu isaga tago kooxda Real Madrid xagaaga (Mirror).

Man United ayaa xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic u ogolaan doonta in uu isaga tago kooxda hadii ay xagaaga la soo saxiixdaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice (Indenpendent).

Kooxda Liverpool ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Wolves ee Ruben Neves xilli ay doonayaan in ay kooxda ku xoojiyaan xilli ciyaareedka dambe (O Jogo).

Xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Juventus xilli ay Chelsea ku dhawdahay saxiixa Eden Hazard (Marca).

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa isku baacsan doona saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Ivan Perisic (Corriere dello Sport).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here