Raphaël Varane Oo Mugdi Kale Ku Sii Tuuray Mustaqbalkiisa Real Madrid

Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Raphaël Varane ayaa shaki weyn oo kale ku sii tuuray mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid xilli uu ka hadlay wararka la xiriirinaya in uu isaga tagayo Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa si lama filaan ah loo sheegay in uu doonayo in uu isaga tago koxda Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga.

Varane oo la hadlaya wargayska reer France ee Le Parisien ayaa yidhi” Ma doonayo in aan ka hadlo mustaqbalkayga, mana doonayo in aan kala hadlo saxaafada”.

Xiddiga reer France ayaa kooxda Real Madrid jooga tan ilaa 2011 markaas oo uu ku soo biiray kooxda isaga oo ka mid noqday xiddigaha ugu fiican booskiisa adduunka.

Hadalkan ayaa shaki weyn ku tuuraya mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid isaga oo sidoo kale heegan galiyay kooxaha reer Yurub.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa haatanba xiiso ka helaya kooxaha Juventus, PSG iyo Man United kuwaas oo doonaya adeegiisa xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here