Rajadii Chelsea Ee Saxiixa Weeraryahanka Callum Wilson Oo U Muuqata Mid Dhimatay, Sabab

0

Rajadii ay kooxda chelsea ka qabtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bournemouth ee Callum Wilson ee bisha January ayaa u muuqata mid god ku dhagtay.

Kooxda Bournemouth ayaa diyaar u ah in ay dagaal u galaan sidii ay chelsea uga hor istaagi lahaayeen helitaanka Callum Wilson Bishan.

26 jirkan oo dhaliyay 9 gool oo premier League xilli ciyaareedkan ayaa bartilmaameed u noqday tababaraha kooxda chelsea ee Maurizio Sarri kaas oo raadinaya badalka Alvaro Morata.

Laakiin Bournemouth ayaan doonayn in ay iibiso Wilson iyo waliba mida ugu muhiimsan oo ah in ayna u baahnayn in ay iibiyaan.

iibkii ay Jermain Defoe ka iibiyeen Kooxda Rangers iyo waliba in ay si amaah ah kula soo saxiixdeen xiddigaha Liverpool ee Dominic Solanke & Nathaniel Clyne ayaa ka caawisay in ayna u baahnayn in ay suuqa u galaan xoojinta kooxda.

Bixitaanka Wilson ee bishan ayaa kooxda ku keenaysa in ay waayaan weeraryahan dheeraad ah sidaas darteed kuma qasbana in ay iibiso xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here