Rafael Benítez: Mohamed Salah Waa Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Fiican Adduunka Laakiin…

0

Tababaraha kooxda Newcastle ahna tababarihii hore ee kooxda Liverpool ee Rafael Benítez ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah ka hor kulankooda caawa.

Rafael Benítez ayaa Mohamed salah ku tilmaamay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka ka hor kulanka ay Newcastle caawa la ciyaari doonto Liverpool.

Liverpool ayaa caawa marti galin doonta Newcastle kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Anfield.

Rafael Benítez oo arintaas ka hadlaya ayaa u sheegay Daily Mail” Salah waxa uu dadka oo dhan u muujiyay in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican adduunka”.

“Waxa uu leeyahay tayo iyo waliba orod cajiib ah waxana uu halis ku yahay shabaqa”.

“Laakiin Liverpol kaliya ma ahan Mohamed salah kaliya xilli ciyaareedkan waxa ay leeyihiin xiddigo cajiib ah oo ciyaarta wax weyn ka badali kara”.

“Liverpool waxa ay leedahay 11 xiddig waliba koox si weyn u caawisay in uu Mohamed salah sameeyo horumar todobaad walba”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here