Radja Nainggolan oo Laga Dhacay Lacago Dhan €150,000 Oo Yuuro ah, Talyaani Iyo Tuugunimo Maxaa kala Heysta.

0

Cayaaryahanka Inter Milan Radja Nainggolan oo sabab u noqday in €150,000 si caqliyeesan looga dhaco!

Nainggolan koontadiisa ama Account-kiisa gaarka ah oo ka maqan €150,000 ayuu soo baraarugay kadibna booliska magaalada Milan ayuu u dacwooday.

Booliska markii ay baaritaan sameeyeen waxay arkeen jeega lacagta uu Nainggolan adeegsaday inuu ku jiro mid uu bishii August u jaray maqaayada qamaarka lagu cayaaro ee Roma ku taalo.

Booliska waxay tageen maqaayadii Nainggolan qamaarka ku cayaaray bishii August ee Roma ku taalo sidoo kalena uu meesha jeeg lacag ku saxiixan uu ku bixiyay.

Booliska waxay maqaayada ka heleen kaamirada qarsoon oo muujineyso burcad ama tuugo xarfaan ah oo Copy ka qaateen saxiixa Nainggolan iyo jeegiisa!

Waxaana cadaatay laga soo bilaabo bishii August ee sanadkan ilaa haatan koontada Nainggolan ay iska raaxeesanaaye tuugo talyaani ah

Wiilki Hore ee Roma ayaa qasaaro dhexda ka galay waloow uu ugu dambeen ogaaday halka lacagtiisa lagala baxaayo.

Wargeska La Stampa ayaa sheekadan soo daabacay in Nainggolan Talyaaniga cashir u dhigeen.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here