Raadintii Man United Ee Tababaraha Cusub Oo Wado Kale Martay & Red Devils Oo Bartilmaameed Ka Dhigtay Diego Simeone

0

Raadintii Man United ee Badalka Jose Mourinho ayaa isku rogay dhan kale kadib markii ay Man United si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone.

Tababaraha Atletico Madrid ayaa ku biiray Liiska tababarayaasha ay Man United u doonayaan booskiii uu ka tagay jose Mourinho.

Tababaraha reer Argentine ayaa haatan wadahadalo kula jira kooxdiisa si uu heshiiska u kordhiyo maadama heshiiskiisa haatan dhici doono 18 bilood kadib.

Laakiin taas ayaan hor istaagin ay jiraan warar sheegaya in ay Man United la xidhiidhay wakiilada Simeone si ay ugu soo bandhigaan shaqada Old Trafford.

Tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino oo ay kooxdiisu maanta United kula ciyaari doonto Old Trafford ayaa ah tababaraha hogaaminaya Liiska Reds ayaa u muuqata qaar isaga hadhay xiisihiisa.

Waxa ay ka war qabaan in uuna Mauricio Pochettino kooxdiisa u sheegi doonin in uu boxo halka ayna sidoo kale jirin in ay Tottenham ku qancin doonaan in ay fasaxaan tababarohooda.

Sidaas darteed tababaraha reer Argentine Simeone yaa haatan ah dookha 1-aad ee ay Man United doonayso in ay ka dhigto tababarohooda buuxa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here