QORSHE: Arsenal Oo Dagsatay Qorshe Ay Mesut Ozil Uga Dirayso Kooxdeeda

Maamulka Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dagsadeen qorshe ay Mesut Ozil uga saarayaan kooxda Inta lagu jiro bishan January.

Madaxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay qaadaan qorshe ay Mesut Ozil uga dirayaan kooxda inta lagu jiro bishan iyaga oo diyaar u ah in ay waliba kala badh bixiyaan mushaharkiisa.

Unai Emery ayaa si aad ah u doonaya in uu lacag u helo saxiixyo cusub inta lagu jiro bishan waxana uu diyaar u yahay in uu kooxda ka diro Ozil oo jeebka ku shubta lacag dhan 300 kun oo Gini todobaadkii.

Tababaraha ayaa haatanba qirtay in uuna xiddigo si toos ah ula soo wareegi karin bishan marka laga reebo heshiisyo amaah ah.

Ozil ayaan Arsenal u ciyaarin tan ilaa Boxing Day-gii waxana uu Emery si cad u muujiyay in uuna xiddigan ka doonayn kooxdiisa.

30 jirkan ayaa ka mid ah kubad sameeyayaasha ugu fiican adduunka laakiin mushaharkiisa waalida ah ayaa ka hor istaagaya kooxaha xiisaha u qaba adeegiisa.

Arsenal ayaan dhankeeda samayn karin saxiixyo cusub ilaa xagaaga iyada oo aan xiddigaha ugu fiican ka dirin kooxda.

Gunners ayaa sidaas darteed diyaar u ah in ay Ozil ku dirto heshiis amaah ah ama si toos ah u iibiso laakiin kooxda uu ku biiro kala badh la bixin doonta mushaharka inta uu Xiddigu dhamaysan doono heshiiskiisa Gunners.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here