Qorshaha Jurgen Klopp Ku Xoojinayo Liverpool Maqnaanshaha Alexander-Arnold

Dhaawacyadii Daafaca Dhexe ee Liverpool ayaa bilaabay in ay soo kabtaan laakiin waxa ay haatan dhaawac ku waayeen xiddiga ugu muhiimsan garabka daafaca kooxda.

Waxa jirtay baqdin laga qabay in uu Trent Alexander-Arnold seegi doono kulankii Brighton kadib markii uu kubada ku istaagay intii uu ku jiray tababarkii is kulaylinta ee ka horeeyay kulanka.

Laakiin 20 jirka ayaa ku bilowday kulanka waliba ciyaaray muddo 90 daqiiqo ah iyada oo Reds 1/0 ku badisay kulankaas.

Si kasta ha ahaatee dhaawaca ayaa ku weynaaday intii uu ku jiray kulankaas waxana salaasadii la sheegay in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah kadib dhaawac jilibka ka soo gaadhay.

Laakiin Liverpool ayaa laga reebay FA Cup-ka waxana ay helaysaa fasax ayna kooxaha kale heli doonin dhamaadka January taas oo la macno ah in uu daafa da,yarka ah kaliya seegi doono 3 ama 4 kulan.

Xiddiga ayaa ku soo laaban doona kulanka ay Bournemouth kula ciyaari doonaan Garoonka Anfield 9 bisha February iyaga oo intaas kadib heli doona 10 maalmood oo fasax ah ka hor kulanka lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Waxa jiray hadal hayn sheegaysa in ay Liverpool Nathaniel Clyne dib uga yeedhi doonto amaahdii ay ugu direen Bournemouth kadib dhaawaca laakiin heshiiska ayayna ku darin.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in uuna Klopp khal-khali doonin kadib dhaawacaas sababta oo ah waxa uu fursad siin doonaa xiddiga James Milner oo booskaas ka ciyaari kara.

Milner oo ciyaaray 72 daqiiqo kulankii Brighton ayaa kulamadii ugu dambeeyay ee wolves iyo Bournemouth ka ciyaaray garabka daafaca Midig waxana la filayaa in uu ka ciyaaro todobaadyada soo socda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here