Qorshaha Ay Barcelona Ku Joojinayso Vinicius Junior Oo La Ogaaday

0

Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Real Madrid kulan ka tirsan lugta 2-aad ee tartanka Copa del Rey-ga kana dhici doona garoonka Santiago Bernabue.

Kulankii hore ee labadan kooxood ku dhex maray Camp Nou ayaa ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah sidaas darteed Barcelona ayaa u baahan in ay bar-baro 2/2 ah ama guul ka gaadho Real Madrid si ay ugu gudubto finalka tartanka.

Wargayska AS ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde uu dagsaday qorshe uu ku joojinayo halista da,yarka Vinicius Junior kaas oo ah xiddiga ugu khatarta badan wakhti xaadirkan.

Vinicius Junior ayaa ku jira wakhti fiican isaga oo ah xiddigaha fursadaha uu badan abuuray kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan waliba 12 fursadood sameeyay 25-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Valverde khadka dhexe gaar ahaan qaybta midig ka ciyaarsiin doono xiddiga Sergi Roberto si uu u joojiyo Vinicius Junior una taageero Semedo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here