QIRASHO: Mid Kamid Ah Xiddigaha Real Madrid Oo Si Cad U Qirtay Inag Gabi Ahaanba Ka Hadheen Tartanka Horyaalka La Liga Kaddib Fashilkii El-Classico.

Daafaca midig ee kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa kaddib fashil kale oo kusoo gaadhay kulankii El-Classico kooxdiisa kusoo gaadhay qirtay inay si xaqiiqo ah uga hadheen loolanka horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa afar maalmood gudaheed laba jeer ku guuleysatay Santiago Bernabeu waxaana goolkii uu xalay dhaliyay Ivan Rakitic uu la micno ahaa inay 12 dhibcood ka sarre mareen Los Blancos.

Carvajal ayaa sheegay in guushii ay gaadhay Blaugrana ay ahayd mid iyaga farahooda ka saartay wax fursad ah oo ay u helaan hanashada horyaalka xilli uu dhinaca kale xusay in kulankii xalay iyo midkii maalmo kahor ee Copa Del Rey ay ahaayeen kuwo muuqaal ahaan isku eeg.

Dani ayaa yidhi “Way dhaliyeen, Anagu maanu dhalin La Liga-na wuu naga tagay, Kulamadu waxa ay ahaayeen kuwo isku mid ah, Kulankii Copa Del Rey natiijada ayaa ahayd mid badan caawana waxa jiray fursado ay heleen labada kooxoodba”

Dhinaca kale Carvajal oo ka warramaya cadhada kulankaas ee kooxdiisa ayaa yidhi “Anagu ma tuuri doono marada laakiin waa mid xilli horeba wax qeexaysa, (Guuldarradu) way na dilaysaa anaga sababtoo ah waxa ay ahayd fursad weyn oo aan kusoo laabano (Tartanka)”

Dhinaca kale labada kulan ee xidhiidhka ah ee ay Barca ku guuleysatay Bernabeu ayaa imanaya xilli kulankii kasii horreeyayna ay isla Girona guul ku gaadhay halkaas waxaana uu Carvajal u mahad celiyay jamaahiirta iyaga taageeraysay.

“Kuma xisaabtamaysid inaad saddex kulan oo xidhiidh ah ku guuldarraysato gurigaaga, Waxaan kaliya u mahad celin karnaa jamaahiirta sababtoo ah way na taageerayeen”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here