Qiimaha United Ku Doonayaan Saxiixa Xiddiga Valencia Ee Gonçalo Guedes Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa qorsheyneysa in ay qadkooda weerarka ku soo xoojiyaan kala wareegga xagaaga weeraryahanka kooxda Valencia ee Gonçalo Guedes .

Laacibakas reer Portugal ayaa sanadkii 2017-dii u yimid PSG xilligaas oo uu ka soo wareegay Benfica balse kaliya 13 kulan ayuu u saftay ka hor inta xagaagii hore u soo wareegin kooxda Valencia .

Laacibkaas 22 sano jirka ah ayaa kooxdaas reer Spain waxa uu u saftay illaa haatan 24 kullan dhamaan tartamada ee xilli ciyaareedkaan waxa uuna dhaliyay laba gool halka mid kalana uu sameeyay .

Wargeyska Don Balon ayaa sheegaya in wakiilka Gonçalo Guedes uu Barelona iyo Real u bandhigay fursad ay laacibkaas ku heli karaan balse labada koox waa ay ku gacan sereen

Man United ayaa laacibkaas haatan dooneysa waxa ay damacsan yihiin in ay dalab ka geeyaan iyaga waliba diyaar la ah qiimo gaaraya 51 milyan oo gini

Hishiiska Gonçalo Guedes ee Valencia ayaa dhamaanaya xagaaga 2023-ka

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here