Qaabkii Uu Ole Gunnar Solskjaer Xiddiga Paul Pogba Ugu Qanciyay In Uu Sii Joogo United Oo La Ogaaday

Tababaraha Ku meel gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ugu qanciyay in uu sii joogo kooxda Man United isaga oo u balan qaaday in uu ka dhigo xiddiga ugu muhiimsan kooxda.

Pogba ayaa xiriir xun la lahaa Jose Mourinho isaga oo aan u ciyaarin kooxda kulamo badan ka hor intii aan shaqada laga caydhin tababaraha.

Laakiin Paul Pogba ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu Solskjaer ka wareegay kooxda isaga oo dhaliyay 6 gool kooxdana ka caawiyay in ay u tartanto kaalmaha ugu sareeya ee premier League.

Sida laga soo xigtay The Sun xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa doonayay in uu heshiis amaah ah uga tago United ka hor intii uuna Suuqa Jananury xidhmin.

Waxa la sheegayay in 25 jirka United ku soo laabtay sanadkii 2016 in uu doonayay in uu si toos ah uga tago kooxda xagaaga.

Laakiin tababare Solskjaer ayaa xiddiga ku qanciyay in uu badalo go,aankiisa kadib markii uu kooxda kala wareegay Mourinho.

Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa in uu u sheegay in uu ka dhigi dooni xiddiga ugu fiican kooxda isaga oo bishii hore dib ugu soo celiyay calaamada kabtanimada.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here