Tababaraha Kooxda Juventus ee Maxi Allegri ayaa ka hadlay rikoodhadii uu khasaariyay xiddiga kooxdiisa ee Cristiano Ronaldo kulankii Cheivo kana tirsanaa horyaalka Serie A-da.
Juventus ayaa 3/0 uga badisay kooxda ugu hoosaysa horyaalka Serie A-da ee Cheivo kulan ka tirsanaa horyalka Serie A-da.
Hogaamiyayaasha horyaalka Serie A-da laakiin Cristiano Ronaldo Ayaa si la yaab leh u khasaariyay in uu rikoodhada gool u badalo.
Allegri oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marna maan daawan rikoodhadii uu laagay laakiin Ronaldo sidoo kale waxa uu rikoodhe ka khasaariyay tababarkii ugu dambeeyay ee kulanka”.
Cristiano Ronaldo ayaa khasaariyay rikoodhadii ugu horeeyay ee kooxda Juventus isaga oo iska khasaariyay fursad uu ku dheeraysan lahaa gool dhalinta horyaalka Serie A-da.