Qaabkee Ayuu Noqon Lahaa Kala Saraynta Premier League Hadii Kaliya La Tiriyo Kulamada Martida

0

Horyaalka premier League ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh iyada oo haatan 10 kulan oo kaliya inaga xigaan dhamaadka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Tartanka loogu jiro ku guulaysiga horyaalka ayaan wali lagu kala bixin marka loo eego xilli ciyaareedkii hore iyada oo kooxaha Liverpool iyo Man City isku dhagan yihiin.

Dhanka kale waxa kaba sii xiiso badan tartanka loogu jiro boosaska loogu soo boxo champions League iyada oo 4 kooxood ku tartamayaan 2 boos oo kaliya.

Kooxaha Tottenham, Arsenal, Chelsea iyo Man United ayaa ku tartamaya kaalmaha 3-aad iyo 4-aad ee loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sida caadada ah horyaalka ayaa la ciyaaraa kulamo minin iyo Marti ah kuwaas oo ay koox walba ciyaarto laba kulan xilli ciyaareedkan.

Hadaba kawrn hadii kaliya la tiriyo kulamada martida sidee ayuu noqon lahaa kala saraynhoryaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay kaalinta 3-aad ku jirto hadana Kooxda Tottenham ayaa noqon lahady hogaamiyayaasha horyaalka hadii la tiriyo kaliya kulamada martida.

Tottenham ayaa ciyaartay 15 kulan waxa ay badisay 11 kulan waxana laga badiyay 4 kulan iyada oo aan wax bar-baro ah galin.

Liverpool oo haatan ah hogaamiyayaasha horyaalka ayaa ciyaartay 14 kulan waxay badisay 9 kulan waxa ay bar-baro gashay 4 kulan waxna laga badiyay 1 kulan.

Man United oo haatan ku jirta kaalinta 3-aad ayaa ku jiri lahayd kaalinta 3-aad marka la eego kulamada martida iyada oo badisay 9 kulan bar-baro gashay 2 kulan lagana badiyay 4 kulan.

Man City ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyada oo ciyaartay 13 kulan waxa ay badisay 8 kulan waxa ay bar-baro gashay 2 waxana laga badiyay 3 kulan.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 5-aad iyada oo ciyaartay 13 kulan laga badiyay 5 kulan bar-barana gashay 1 kulan halka ay Arsenal ku jirto kaalinta 8-aad iyada oo ciyaartay 13 kulan badisay 5 kulan laga laga badiyay 5 kulan bar-barana gashay 3 kulan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here