Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay indh-indheeyayaal u direen koobka adduunak si ay u daawadaan xiddiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Arsenal ee Gabriel Martinelli.

Xiddiga Gabriel Martinelli ayaa wacdaro ka dhigay kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay 5 dhibcood ku hogaamiso horyaalka premier League.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa ka caawiyay in lagu soo daro Liiska xiddigaha ka qayb gali doona koobka adduunka xulka qaranka Brazil tartanka ka socda Qatar.

PSG ayaa xiddiga Gabriel Martinelli u calaamadsatay badalka mustaqbalka fog ee Neymar kaas oo galay sanadihii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed.

Xiddiga Gabriel Martinelli ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxdiisa Arsenal xilli heshiiskiisa haatan ee Gunners dhici doono laba sano kadib.

Arsenal ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Gabriel Martinelli xilli ay PSG isku dayi doonto in ay ka afduubato xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here