PSG Oo Indhaha Ka Weecineysa Harrera , Xiddig Hore United Ah Ayay Haatan Doonayaan Saxiixiisa .

Kooda PSG ayaa baadi goob ugu jirta xiddig qad dhexe ah oo ay helaan kala wareegga xagaaga ee sanadkaan .

Kooxda reer France ayaa xilli ciyaaredkaan ka sheeganeysay qadka dhexe ka dib markii keydka la dhigay Adrien Rabiot kaasi oo diidan in hishiis cusub u saxiixo kooxda .

PSG ayaa maalmahaan lala xariirinayay qadka dhexe United ee Harrera kaasi oo hishiiskiisa dhamanaayo xagaaga balse haatan waxaa soo baxaya warar sheegaya in laacibka uu qalinka ku duugayo hishiis cusub.

Wargeyska Le Parisien ee France ka soo baxa ayaa sheegaya in PSG ay haatan isha ku hayaan in ay la soo hishiiyaan qadka dhexe Ajax ee Daley Blind .

Wargeydskaas ayaa sheegaya in PSG aamisan yihiin in Daley Blind uu aad u anfacyo kooxda maadaama uu leeyahy qibrad ku filan gaar ahaan tartanka Champion-ka .

Daley Blind ayaa horay ugu soo ciyaaray United waxa uuna la qaatay afar xilli ciyaareed ka hor inta uusan xagaagii hore ku biirin kooxda reer Holland

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here