Pogba, Sane, Mahrez, Hudson-Odoi, Coutinho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Cristiano Ronaldo ayaa dalbaday in ay kooxda Juventus keento xiddigaha ay ugu horeeyaan Raphael Varane iyo Joao Felix marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (Corriere dello Sport).

Paul Pogba ayaa xiddigaha Man United u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (L’Equipe).

Xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda PSG ee Thomas Meunier ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad ee Man United si ay ugu xoojiyaan daafaca suuqa xagaaga (Independent).

Kooxda Man City ayaa ku rajo weyn in ay Kooxda Man United ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes (Sun).

Kooxda Man City ayaa ka wal-walsan in uu xiddiga reer Germany ee Leroy Sane ka fikirayo in uu ku biiro kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan (Metro).

Kooxda Liverpool ayaa Atletico Madrid u sheegtay in ay bixiyaan lacag dhan 40 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Marko Grujic (ESPN).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Riyad Mahrez ayaa kooxdiisa ugu Hanjabay in uu Isaga tagayo kooxda Man City hadii uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa badalka xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey u calaamadsatay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sampdoria ee Dennis Praet (Mirror).

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ee Callum Hudson-Odoi iyaga oo albaabka ka xidhaya Bayern Munich (Telegraph).

Ku Biirista Philippe Coutinho ee kooxda chelsea ayaa ku xidhan go,aanka ay FIFA ka gaadho racfaanka ganaaxa suuqa kala iibsiga laga saaray kooxda Chelsea (Sport)

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here