Pogba Oo Guul Qaali Ah Ku Hogaamiyay Man United , West Ham Ayay Dhamaadkii Ka Taqaluseen .

0

Man United ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda west Ham hal gool oo nadiif ah kaasi oo ahaa rigoore uu dhaliyay Pogba daqiiqaddii 19-aad .

Biloowgii labada koox ayaa ciyaarayay kubad isu dheeli tiran xilli United ay baxsad ahaayeen balse West Ham kubad deggan ayay ciyaarayeen.

Daqiiqaddi 10-aad West Ham gool cajiib ah ayaa laga diiday oo uu garsooraha yiri waa Ofside balse marka si dhab ah loo eego goolkaas waa uu saxnaaa .

United waxaa qeybtaas hore ka muuqday dabacsanaan dhanka daafaca ah waxaase ugu darnaa Rojo waxa ayna United daqiiqaddii 19-aad loo dhigay rigoore dood ay ka taagan tahay oo muuqatay in garsooraha uu ku deg degay waxaana saxiixay Pogba .

West Ham daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen qeybihii dhamaadkana kubadda waa ay gaarsiinayaeen aagga goosha United balse dhameystirka ayaa ka maqnaa xilli kubad haysashaooda qeybtaas hore ay gaartay %57.

Soo laabashadii , West Ham kubad wacan ayay biloowgii dhisayeen waxa ay durba heleen gool labaad waxaana u saxiixay Felipe Anderson daqiiqaddii 49 waxaana xusid mudan in ka dib goolkaas in West Ham ay kubadda maamulayeen.

Unted waxa ay daqiiqaddii 56-aad soo giliyeen Rashford oo loo badalay Mata waxa uuna laacibkaas daqiqaddii 58-aad ku sigtay in uu gool dhaliyo balse goolhayaha West Ham ayaa diiday oo kubad gool aheyd si cajiib ah uga bad baadiyay .

Rashord dadaal gooni ah ayuu waday waxa uuna isku dayay in shabaqa u soo taabto xilli weerraka United uu sii xoogeynayay .

United aad ayay u weerar tagayeen balse goolhaye Fabianski ayaa hor taagnaa kaasi oo dadaal dheeraad ah sameynayay waxa ayan ciyaarta u muuqatay mid ay goolal laga filan karo gaar ahaan United .

West Ham waxa ay dhamaadkii ku tiirsanaayeen kubdaha rogaal celiska ah balse guud ahaan waxaa kubadda ku badneyd United , waxaana West Ham daqiiqaddii 78-aad fursad xaqiiq aheyd ka bad baadiyay goolhaye De Gea .

Saaxibada Pogba kubadda waa ay gaarsiinayeen shabaqa West ham illaa ay ka heleen rigoore waxaana mar kale laaday oo shabaqa dhigay Pogba daqiiqadii 80-aad waxaana qaladka rigooradaas lagu galay Martial .

Si waliba oo ay west Ham u dadaaleen dhamaadkii waa loo diiday in ay helaan goolka bar bar dhaca waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay guusha ku raacday United .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here