Pogba, Coutinho, Hazard, Fekir, Isco, Mbappe, Marcelo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Mushaharka uu dalbanayo Paul Pogba ayaa sabab u noqon kara in uu ku biiri waayo kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga (AS).

Kooxda chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqaan kubad sameeyaha Philippe Coutinho si ay badal ugu dhigaan xiddiga Eden Hazard oo ku dhaw kooxda Real Madrid (Calciomercato).

Kooxda Man United ayaa tababare ku xigeenka Man United ee Mike Phelan u soo bandhigaysa xilka agaasimaha ciyaaraha kooxda si ay halyeeyga Michel Carrick ugu dalacaan caawiyaha tababaraha (Mail).

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa isku diyaarinaya in ay dalab ka gudbiyaan xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Monchengladbach ee Thorgan Hazard (Star).

Kooxda Liverpool ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lille ee Nicolas Pepe Kadib markii ay xiriir la sameeyeen kooxdiisa (Le10 Sport).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Real Madrid (Goal.com).

Kooxda Ac Milan ayaa ku dhaw in ay si toos ah ula wareegto xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko kaas oo amaah ugu jooga kooxda (Calciomeracto).

Daafaca kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa sheegay in uuna wax qorshe ah u hayn in uu isaga tago kooxda Real Madrid suuqa xagaaga (Bein Sports).

Kooxda Man United ayaa suuqa dhigtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Romelu Lukaku kaas oo xiiso ka helaya kooxda Juventus (Mirror).

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu 1,000% sii joogi doono kooxda Juventus xilli ciyaareedka dambe (Mail).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Nabil Fekir ayaa muhiimadiisa 1-aad ka dhigtay in uu ku biiro kooxda Liverpool kadib markii uu caydhiyay wakiilkiisii hore (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa loo soo bandhigay fursad ay dib ugula saxiixato xiddiga Philippe Coutinho marka la gaadho suuqa xagaaga kadib markii ay heshiiskiisa ku xidhay in ay iyadu ugu horayso hadii uu xiddigu ka tagayo Barcelona laakiin Liverpool ayaa looga baahan yahay 120 milyan oo euro hadii ay isku daydo in ay dib u hesho adeegiisa (Diario Gol).

Xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez ayaa loo soo bandhigay kooxda Ateltico Madrid xilli uu xiddiga reer Colombia ku dhaw yahay in uu isaga tago Real Madrid (Don Balon).

Tababare Zinedine Zidane aya doonaya in uu Paul Pogba ka dhigto mid ka mid ah kabtanada Real Madrid hadii uu ku biiro kooxda xagaaga (Marca).

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Isco kadib dalab ka yimid Cristiano Ronaldo (Calciomercato).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here