Pogba, Bale, Mata, Saul, Hazard, Mbappe, Koulibaly & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Xiriirka u dhexeeya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba iyo tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa bur-buray xilli uu 26 jirku doonayo in uu ku biiro Real Madrid (Le Parisien).

Kooxda Man United ayaa xiiso u qabta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes kaas oo ay u doonayso badalka Paul Pogba (A Bola).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayay kooxdiisu u sheegtay in la iibin doono xagaaga xilli uu kala dooran doono kooxaha Man United iyo Bayern Munich (AS)

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Juan Mata ayaan wali wax go,aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa Old Trafford xilli uu xiddigu helay dalabyo badan (Manchester Evening News).

Kooxaha Man United, Man City Iyo Barcelona ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez (Mirror).

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa doonaya in uu dhamaystiro ku biirista Kooxda Real Madrid ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan (Goal).

Kooxda Liverpool ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Ajax ee David Neres iyaga oo tartan kala kulmaya kooxda Everton (Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo la qaadatay wakiilada xiddigaha Eden Hazard, Paul Pogba, Kylian Mbappe & Adrien Rabiot kuwaas oo uu Zidane ka dhigtay bartilmamaeedyo muhiim ah (RMC).

Kooxda Juventus ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele kaas oo ay sidoo kale doonayaan kooxaha Paris Saint-Germain, Liverpool, Chelsea, Manchester United & Manchester City (L’Équipe).

Agaasimaha Kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa la kulmay wakiilka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Julian Brandt (Bild).

Kooxda Inter Milan ayaa diyaarinaysa dalab dhan 25 milyan oo euro oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Roma ee  Lorenzo Pellegrini (Tuttosport).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 90 milyan oo euro ah ka gudbiso xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli iyo xulka Senegal ee Kalidou Koulibaly (Corriere dello Sport).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa dhamaystiray ku biiristiisa kooxda PSG iyada oo maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono heshiiskiisa (Sun).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here