Pochettino, Rabiot, Pogba & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Suuqii January ayaa si Rasmi ah u xidhmay laakiin taas ayaa la macno ahayn in ay kooxaha kala duwan ee yurub sidaas kaga seexanayaan arimaha.

Kooxaha reer yurub ayaa u diyaar garoobaya suuqa Xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo sii indha-indhaynaya xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada iyo xiddigaha ay kooxdaadu doonayso.

Waxa xusid mudan in wararka aan soo qaadano in aanan wax masuul ah ka ahayn laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyasa ku xor xusan.

Kooxda chelsea ayaa Man United iyo Real Madrid kula biirtay tartanka loogu jiro adeega tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino (Express).

Kooxda Arsenal ayaa isha ku haysa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot kaas oo xor noqon doona xgaaga (Mirror).

Tababaraha Kooxda Man City ee pep Guardiola ayaa isku diyaarinaya in uu 80 milyan oo euro ugu dhqaaqo xiddiga daafaca ka ciyaara ee aron Wan-Bissaka & Ben Chilwell (Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Tiemoue Bakayoko haatana amaahda ugu jooga kooxda Ac Milan ayaa wakiilkiisa u sheegay in uuna doonayn in uu ku laabto Chelsea (Star).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay dib ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyaga oo doonaya in ay wada ciyaarsiiyaan isaga iyo Aaron Ramsey oo kooxda ku biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan (Mirror).

Kooxda Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay 45 milyan oo euro ku dalbato xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi (Sun).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here