Pochettino, Pogba, Kepa, Giroud, CoutinhoPochettino, Pogba, Kepa, Giroud, Coutinho

0

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Ac Milan ayaa ku sii dhawaanaysa in ay tababare Mauricio Pochettino ka dhigato tababareheeda cusub iyada oo diyaar ula in ay siiso 300 oo Milyan si uu ugu xoojiyo kooxda suuqa xagaaga (Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa ku rajo weyn in wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola uu ka caawiyo in ay helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (Marca).

Real Madrid ayaa sidoo kale ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard kaas oo la filayo in heshiiska lagu dhawaaqo maalmaha soo socda (Telegraph).

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu sii joogo Liverpool ugu yaraan 3 xilli ciyaareed oo soo socda (Times).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 50 Milyan oo euro ah ku dalbato Goolhayaha kooxda chelsea ee Kepa Arrizabalaga (Teamtalk).

Tababaraha Kooxda chelsea ee Muarizio Sarri ayaa filaya in uu weeraryahaka Olivier Girodu sii joogo chelsea xilli ciyaareedka dambe (Mail).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa sheegay in uuna wax xiiso ah u qabin in uu ku laabto Premier league (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda ee Divock Origi (Football Insider).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here