Pierre-Emerick Aubameyang Oo Tababare Unai Emery U Diray Fariin Ku Saabsan Alexandre Lacazette.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsneal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa tababarihiisa Unai Emery u diray fariin ku saabsan Alexandre Lacazette.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa rumaysan in ka garab ciyaarista weeraryahanka ay isku kooxda yihiin ee Alexandre Lacazette aya baqdin galinayso daafacyada kooxaha kale.

Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kulankii ay Arsenal guusha 2/0 ah ka gaadhay kooxda Chelsea xilli uu Emery iska garab ciyaarsiiyay labada weeraryahan.

Labada xiddig ayaan inta badan iska garab ciyaarin laakiin Emery ayaa marar ku soo wada gala labada weeraryahan.

Laakiin Pierre-Emerick Aubameyang oo dhaliyay 14 gool oo premier league ah ayaa rumaysan in tababare Emery iska garab ciyaarsiiyo labadooda.

“Waxa ay run ahaantii ahayd ciyaar fiican, waxan u malaynayaa in aan in badan orodnay, oo aan samaynay dadaal badan, waxa aan shaqaynay in badan, dabcan waan faraxsanahay marka aan iska garab ciyaarno, waxa aan leenahay dareen fiican”.

“Maxaa diiday? Run ahaantii waan rajaynayaa sababta oo ah marka uu kaa garab ciyaarayo weeraryahan Alex oo kale ah waxa aad u ciyaaraysaa si fiican, waxa aan rajaynayaa in aan kulamo badan iska garab ciyaarno”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here