Pierre-Emerick Aubameyang Oo Kashifay In Uu La Socdo Natiijooyinka Kulan Walba Premier League & Sababta Oo Shaqsi Ah

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si la yaab leh u qirtay in uu mar walba la socdo Natiijooyinka kooxaha premier league si uu ula socdo in ay gool dhaliyeen xiddigaha uu ula tartamayo gool dhalinta premier League.

Xiddiga reer Gabon ayaa gool dhaliyay kulankii Bournemouth isaga oo haatan leh 16 gool kana dambeeya xiddigaha Sergio Aguero iyo Mohamed Salah.

Sabtida oo maanta ah Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ciyaari doona kulanka North London Derby waxana uu qirtay in uu Harry Kane yahay xiddig uu mar walba eego in uu goolal dhaliyay.

Markii wax laga waydiiyay waxa uu ka aaminsan yahay weeraryahanada kale ee kooxda kale Pierre-Emerick Aubameyang ayaa yidhi” Mar walba waan la socdaa natiijooyinka kooxaha kale waxana aan Mobile-ka eegaa in ay xiddigaha aan kula tartamayo gool dhalintu goolal dhaliyeen”.

“Markii aan joogay Germany kaliya waxa aan isha ku hayn jiray Robert Leandowski laakiin halkan waa in aan dhamaan kulamada wada eego sababta oo ah waxa ku tartamaya gool dhalinta xiddigo badan”.

“Laakiin waa wax fiican sababta oo ah waa tartan weyn marka ay xiddigo badan kula tartamayaan waxa aad samaynaysaa dadaal dheeraad ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here