Pierre-Emerick Aubameyang Oo Ka Hadlay Hogaanka Gool Dhalinta Ee Uu Mohamed Salah Kala Wareegay

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka hadlay ku soo laabashada hogaanka horyaalka premier league oo uu kala wareegay xiddiga Liverpool ee Mohamed salah kadib markii uu 2 gool dhaliyay kulankii Burnley.

Xiddiga reer Gabon ayaa 2 gool dhaliyay kulankii ay kooxda Arsenal 3/1 uga badisay kooxda Burnley kana tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 18-aad.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hogaanka horyaalka kala wareegay xiddiga Liverpool ee Mohamed salah kaas oo leh 11 gool kadib markii uu gool dhaliyay kulankii Wolves halka uu isagu haatan leeyahay 12 gool.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu u sheegay BBC”Waxan u malaynayaa in ay tahay arin cajiib ah laakiin waxa aan isku dayi doonaa in aan horay u socdo maadaama uu xilli ciyaareedku dheer yahay”.

Aubameyang ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxdiisa Arsenal u dhaliyay goolal badan tartamada oo dhan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here