Pierre-Emerick Aubameyang Oo Hogaanka Gooldhalinta Premier League Kala Wareegay Mohamed Salah

Xiddiga kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa gooldhalinta horyaalka premier league kala wareegay xiddiga Liverpool ee Mohamed salah kadib markii uu 2 gool dhaliyay kulankii Burnley ee premier League.

Mohamed salah ayaa hogaanka u qabtay gool dhalinta horyaalka kadib markii uu goolkiisii 11-aad ka dhaliyay Wolves Jimcihii kulan ka tirsanaa todobaadkii 18-aad ee premier league.

Laakiin Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laba gool ka dhaliyay kooxda Burnley shalay sabtidii isaga oo dhaliyay goolkiisii 12-aad ee horyaalka premier League.

Xiddiga ugu dhaw ee Raheem Sterlig ataa ku fashilmay in uu gool dhaliyo kulankii ay Man City guuldarada kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan premier League ahaa.

Labada xiddig ayaa kaliya ah xiddigaha dhaliyay goolasha 5-ta xiddig ee ugu goolasha badan horyaalka premier League.

Halkan Hoose kaga bogo Xiddigaha ugu goolasha badan tartanka gool dhalinta:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here