Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette Oo Arsenal Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Cardiff City Xilli Gunners La Dhibco Noqotay Chelsea.

Kooxda Arsenal ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Cardiff City kulan ka dhacay garoonak Emirated kana Tirsanaa horyaalka premier league.

Kulanka ayaa ahaa mid ku bilowday si isku dheeli tiran iyada oo ay labada kooxood kala casanayeen waliba kooxda Cardiff Inta badan daafac ku jirtay Arsenal-na iska ilaalinaysay weeraro rogaal celis ah.

Gunners ayaa samaysay fursado iska fiican laakiin waxa ay dhaafi kari waayeen daafaca Cardiff oo isku xidhnaa si fiicana u difaacanayay.

Cardiff ayaa dhankeeda qaaday weeraro rogaal celis ah oo ay dhawr jeer halis ku galisay Goolka kooxda Arsenal kagana dhalin gaadhay gool

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood isku dhaafi waayeen bar-baro 0/0 ah.

Qaytii dambe ee ciyaarta ayay Arsenal ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.

Gunners ayaa daqiiqadii 66-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu gool rikoodhe ah u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay Cardiff Ayaa daafaca ka soo baxday waxana ay Arsenal heshay boosas furan oo ay si dhib yar u weerari karto.

Arsenal ayaa daqiiqadii 83-aad sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Alexandre Lacazette kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Cardiff City ayaa madaxa la soo kacday daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyaga oo uu daqiiqadii 90+3 goolka u dhaliyay xiddiga Nathanie Mendez-Laing kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal sidaas ku gaadhay guul 2/1 ah oo ay qaybtii dambe qaab fiican soo bandhigeen sidaasna kaalinta 4-aad si ku meel gaadh ah ula qabteen chelsea oo goolal kaliya haatan kaga horaysa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here