Philippe Coutinho Oo Sharaxay Qaabka Ay Liverpool Uga Caawin Doonto Barcelona In Ay Garaacaan Man United

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa sharaxay qaabka ay Liverpool uga caawin doonto in ay Barcelona champions League ka reebto kooxda Man United bartamaha todobaadkan.

Philippe Coutinho ayaa balan qaaday in uu tartanka champions League ka reebo kooxda ay xafiiltamaan kooxdiisii hore ee Liverpool ee Man United marka ay isaga hor yimaadaan champions League.

Xiddigii hore ee Liverpool ee Coutinho ayaa garanaya in ay Old Trafford kala kulmi doonaan dhaqmid khaas ah oo ay taageerayaashu ku orin doonaan marka ay ciyaarayaan champions League.

Laakiin Xiddiga ayaa sheegay in khabiradii uu ku soo qaatay Liverpool ay in ay ka caawin doonto in uu Barcelona ka caawiyo in ay garaacdo Man United.

Coutinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Hadii ay Nagu oriyaan aniga iyo Luis Suarez waa iska caadi sababta oo ah waxa ka dambaysa kooxdii aan u soo ciyaari jirnay wax farqi ahna ma samayn doonto”/

“Waxa ay xitaa naga dhigaysaa qaar raba guusha waliba diirada saaraya sidii ay guul u gaadhi lahaayeen”.

“Waxa aan ogahay in kulamada Man United ay yihiin qaar khaas ah, waxa aan arintaas bartay markii aan joogay Liverpool”.

“Hadii ay Barcelona ka reebto Man United tartanka waxa aan qanciyay laba rabitaan oo aan leeyhay anigu”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxa aan ogahay in ay taageerayaasha Liverpool na taageeri doonaan kulanka United”ayuu Coutinho sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here