Philippe Coutinho Oo Shaki Weyn Ku Abuuray Mustaqbalkiisa Heegana Galiyay Man United

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa shaki weyn galiyay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona kadib markii ay taageerayaasha kooxdiisu ku oriyeen kadib kulankii Lyon inkasta oo uu gool dhaliyay.

Barcelona ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions League kadib markii ay guusha weyn ka gaadhay kooxda Lyon kulan ka dhacay Camp Nou.

Coutinho ayaa dhaliyay goolkii 2-aad ee kooxdiisa waxana ay taageerayaasha Kooxdiisu ku oriyeen kdib markii badalka lagu sameeyay.

Isaga oo la hadalay saxaafada ciyaarta kadib ayuu yidhi”Mustaqbalkaygu ma kala cada, waanan ku faraxsanahay kulankii Lyon, waxa aan Barcelona u imid si aan u horumaro ciyaaryahan ahaan”.

“Todobaadyadii ugu dambeeyay, ilaa bilihii ugu dambeeyay si joogto ah umaan ciyaarin laakiin wali waxa aan doonayaa in aan si fiican u ciyaaro soona bandhigo qaabka ugu fiican”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here