Phil Thompson Oo Tilmaamay Xiddig Liverpool Ka Caawin Doona Ku Guulaysiga Horyaalka, Mana Ahan Salah & Van Dijk

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Phil Thompson ayaa tilmaamay Hal arin oo Liverpool si weyn uga caawin doona ku guulaysiga horyaalka premier League kulamada soo socda.

Phil Thompson ayaa sheegay soo laabashada xiddiga khadka dhexe ee Alex Oxlade-Chamberlain uu ka caawin doono hanashada horyaalka premier league.

Liverpool ayaa 4 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo leh 60 dhibcood oo ay ka heleen 23 kulan oo ay ciyaareen.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa dhaawac uga maqanaa Liverpool tan ilaa Semi-finalkii champions League xilli ciyaareedkii hore.

Thompson oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa uu noqon doonaa xiddig xoojin doona, waxana ay Liverpool ula dhigmi doontaa saxiix cusub”.

“Alex Oxlade-Chamberlain waa xiddig xoogan waxana kooxda siin doonaa awood badan waxana uu ka caawin doonaa in ay kooxdu ku guulaysato horyaalka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here