Phil Thompson Oo Sheegay Sababta Ka Dambaysa Dhibcihii Ay Lumisay Liverpool & Rajada Reds Ee Ku Guulaysiga Premier League.

0

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Phil Thompson ayaa tilmaamay sababtii ka dambaysay bar-barihii ay Liverpool la gashay kooxaha Leicester City iyo West Ham kulamadii ugu dambeeyay ee premier League.

Phil Thompson ayaa sheegay in dhaawacyada soo gaadhay xiddigaha kooxda ay ka dambeeyaan bar-barihii iyo qaab ciyaareedkii hoosta u dhacay laakiin wali rumaysan in ay Liverpool ku guulaysan karto premier League.

Reds ayaa todobaadkii hore 5 dhibcood oo cadaan ah ku hogaaminaysay horyaalka premier League laakiin haatan kaalinta 2-aad kaga jirta premier League kadib markii ay man City garaacday kooxaha Arsenal iyo Everton.

Liverpool ayaa dhankeeda bar-baro la gashay kooxaha Leicester City iyo West Ham xilli a kooxda Jurgen Klopp soo bandhigeen qaab ciyaareed liita.

Reds ayaa dhaawacyo ku wayday xiddigaha Joe Gomez, Dejan Lovren & Trent Alexander-Arnold si la mid ah xiddigo kale oo badan.

Khabiirka Sky Sport ee Thompson ayaa sheegay in dhaawacyadaas sabab u yihiin natiijooyinkii xumaa ee reds laakiin uu wali ku kalsoon yahay halyeeyga Kooxdu in ay wali kooxdiisu ku guulaysan karto horyaalka.

“Dhaawacyada ayaa sabab u ah in ay Liverpool dhibco lumiso labadii kulan ee ugu dambeeyay sababta oo ah ma caawinayso qaab ciyaareedka”.

“Laakiin waxa waxa aan aaminsanahay in ay Liverpool ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka, waxa ay la ciyaari doonaan Bournemouth halka ay Man City la ciyaari doonto Chelsea”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here