Phil Neville Soo Bandhigay Halka Xidig Ee Liverpool Ugu Guulaysan Kara Koobka Premier League Iyo Labada Xidig Ee Uu Tartanka Kala Kulmayo.

0

Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa sii amba qaadi doona tartankii adkaa ee koobka Premier league laakiin khabiirka ahna halyaygii hore ee Manchester United ee Phil Neville ayaa soo bandhigay saddexda xidig ee Man City iyo Liverpool ugu guulaysan kara koobka Premier league.

Phil Neville ayaa aaminsan in Virgil Van Dijk uu yahay xidiga Liverpool ugu guulaysan kara koobka Premier league halka uu tilmaamay in Sergio Aguero iyo Raheem Sterling yihiin labada xidig ee Man City ka caawin kara in ay koobka Premier league difaacan karaan.

Phil Neville ayaa si aan gabasho lahayn u sheegay in Van Dijk uu yahay xidiga Liverpool ka caawin kara koobka Premier league wuxuuna sheegay in farqiga u dhexeeya kooxihii Reds ee koobka Premier league ku soo tartamay balse aan ku guulaysan iyo kooxda hadda ee Jurgen Klopp hogaaminayo uu yahay Van Dijk.

Phil Neville oo qiimaynaha xidigaha Liverpool iyo Man City ka caawin kara koobka Premier League ayaa barnaamijka Premier league today u sheegay: “Waxa uu u dhexeeyaa Van Dijk iyo Sergio Aguero si la mid ah Raheem Sterling”.

Phil Neville ayaa qiray in Van Dijk uu yahay xidigii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa wuxuuna yidhi: “Aniga ahaan Van Dijk waa ciyaaroygii xili ciyaareedka, waxaan filayaa in isagu uu yahay midka Liverpool ugu guulaysan kara horyaalka”.

Intaa kadib Phil Neville oo hore Man United iyo Everton ugula soo xifiltamay Liverpool ayaa la waydiiyay haddii uu filayo in Liverpool ay koobka Premier league ku guulaysan doonto wuxuuna yidhi: “Haa. ugu dhawaan October ama November ayaan sheegay in aan ka fikirayay in uu xili ciyaareedkii Liverpool noqonayo. Waxaan filayaa in guushii Bayern Munich ay iyaga wax wayn u ahayd”.

Laakiin Phil Neville oo sharaxaad cajiib ah sii bixinaya ayaa yidhi: “Marka aan hadda eego Liverpool, waxa aan arkayo oo dhami waa Van Dijk. Waxaan arkaa abuur cabsi leh oo wayn iyo qof kooxda hogaaminaya. Waxaan filayaa in uu yahay wax ayna haysan mararkii hore ee ay iyagu koobka u soo tartameen”.

Liverpool ayaa axada Anfield ku soo dhawayn doonta kooxda Tottenham waana kulan ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee Reds ay koobka Premier league ugu guulaysan karaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here