Phil Neville: Man United Uma Soo Baxayso Wareega Xiga ee Champions League Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Xiddigii hore ee kooxda Man United Phil Neville ayaa ka hadlay fursadaha kooxdiisii hore ee u soo bixista wareega 8 dhamaadka champions League kadib guuldaradii ay kala kulantay kooxda PSG kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Phil Neville ayaa aaminsan in ayna kooxdiisii hore wax fursad ah u haysan in ay u gudubto wareega 8 dhamaadka champions League.

Red Devils ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay kooxda PSG kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa lugta 1-aad ee 16-ka champions League.

Phil Neville oo la hadlaya Daily Express ayaa yidhi” Uma malaynayo in ay Man United fursad u haysato in ay u soo baxdo wareega xiga ee tartanka champions League”.

“PSG Waxa ay haysataa xiddigo badan oo cajiib ah oo leh tayo fiican taas ayaana sabab u ah”.

“Inkasta oo aanan arkin qaab ciyaareedka ugu fiican ee Kylain Mbappe kulankan hadana waa bur-buriye marka uu garabka weerarka ka ciyaarayo”.

Waxa xusid mudan in kulanka xige ee kooxaha PSG iyo Man United dhici doono 6 bisha March ee soo socota.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here