Petr Cech Oo Tilmaamay Koobka Uu Doonayo In Uu Kula Guulaysto Arsenal Ka Hor Inta Aanu Ciyaaraha Ka Fadhiisan

Goolhayaha Kooxda Arsenal ee Petr Cech ayaa shaaca ka qaaday halka koob ee uu doonayo in uu Arsenal kula guulaysto ka hor inta uuna ka fadhiisan ciyaaraha kubada cagta.

Petr Cech Ayaa shaaca ka qaaday in uu rajaynayo in uu Arsenal kula guulaysto koobka Europa League ka hor inta uuna ka fadhiisan ciyaaraha caalamiga ah.

Goolhayaha Khabiirka ah ayaa laba todobaad ka hor shaaciyay in uu isaga fadhiisan doono ciyaaraha kubada cagta dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Waxa aan rajaynayaa in aan Arsenal kula guulaysto tartanka Eropa League xilli ciyaareedkan waxana ay taasi noqon doontaa sida ugu fiican ee aan ciyaaraha ku dhamaysan karo”ayuu Goal.com.

“Ku Guulaysiga Europa League waa xasuus fiican oo xiddig kasta ah ku guulaysiga tartanka waxa ay la macno tahay in aan boos ku leenahay tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Cech horay ugu soo guulaystay koobka Europa League markii uu joogay kooxda Chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here