Peter Crouch Oo Soo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan

0

Waxa haatan la galayaa wakhtigii la codaynayay abaalmarinaha shaqsiga ah ama la dooranayay shaxda ugu fiican horyaalka premier League maadama dhamaadka xilli ciyaareedka inaga xigaan 4 todobaad oo kaliya iyada oo koox kasta 4 kulan u hadheen marka laga reebo kooxaha ay kulamadu baaqiga u yihiin.

Halyeeyga reer England ee Peter Crouch ayaa noqday midkii ugu horeeyay ee soo xushay shaxdiisa ugu fiican horyaalka premier league xilli ciyaareedkan ee horyaalka premier League.

Shaxda Peter Crouch uu soo xushay ayay kooxda Liverpool xiddigaha ugu badan ku leedahay iyaga oo 4 xiddig ku leh halka kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ku leedahay 3 xiddig.

Kooxda kaalinta 3-aad ku jirta ee Tottenham ayaa dhankeeda ku leh 2 xiddig halka kooxaha Chelsea ee ku jirta kaalinta 5-aad iyo Kooxda Crystal Palace ku leeyihiin Min hal xiddig.

Peter Crouch ayaa shaxdiisa ka reebay xiddiga Mohamed salah ee Liverpool iyo xiddigaha Man City ee Kevin De Bruyne iyo waliba Bernardo Silva kuwaas oo laftoodu qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray.

“Doorashada shaxda ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan ma ahayn mid fudud waxa aan dookhayga badalay dhawr jeer sidaas darteed waan ka raali galinayaa cidii aan ku soo bixin”ayuu Peter Crouch yidhi.

“Waan ka xanaaqay markii aan salah ka saaray shaxdayda kadib markii uu kor u kacay qaab ciyaareedkiisu todobaadyadii ugu dambeeyay, waxa aan sidoo kale ka xumahay in aanan ku soo darin xiddiga Bernardo Silva”ayuu hadaliisa sii raaciyay.

I changed my mind several times before I was able to produce my ultimate XI for the campaign

Kaydka: Ederson, Mohamed Salah, Trent Alexander-Arnold, Harry Kane, Bernardo Silva, Pierre Emerick-Aubameyang & David Silva.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here