Pep Guardiola Oo Tilmaamay Halka Khalad Ee Liverpool Ka Caawin Kara In Ay Ku Guulaysato Premeir League Xilli Ciyaareedkan.

0

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday halka Arin ee Liverpool ka caawin kara ku guulaysa horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Pep Guardiola ayaa xiddigaha kooxdiisa Man City u sheegay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League hadii ay guuldaro la kulmaan kulamada ka hadhsan horyaalka.

Kooxda difaacanaysa premier League ayaa la kulmay 3 guuldaro xilli ciyaareedkan iyaga oo 4 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha Liverpool xilli 15 kulan ka hadhsan yihiin horyaalka.

City ayaa hal dhibic ka dhigi karta dhibcaha ay ka dambayso Liverpool hadii ay caawa ka badiso kooxda Newcastle maadama kooxda Jurgen Klopp ciyaari doonto habeen dambe.

“Labada xaaladoodba, hadii ay horayso iyo hadii ay dambayso waa in aan badino kulamada”ayuu Guardiola yidhi.

“Hadii aanan badin way dhamaatay, kulan walba waa noo filan, si la mid ah kulamada koobabka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here