Pep Guardiola Oo Tababare U Noqon Kara Cristiano Ronaldo Xilli Ciyaareedka Dambe

0

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in uu tababare Pep Guardiola tababare u noqon karo Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in uu tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola si aad ah ugu sharaxan yahay in uu tabbabare u noqdo kooxda Juventus xilli icyaareedka dambe.

Waxa wakhtigii ugu dambeeyay soo baxaya warar sheegaya in uu tababaraha Juventus ee haatan ee Maxi Allegri isaga tagi doono kooxda Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkan,

Corriere dello Sport ayaa intaas ku sii daraya in Tababarayaasha Zinedine Zidane, Antonio Conte iyo waliba tababarayaal kale lala xiriirinayo kooxda Juventus.

Laakiin tababaraha Man City ee haatan ayaa si aad ah ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha Juventus ee xilli ciyaareedka dambe.

Taas ayaa la macno ah in uu Pep Guardiola tababare u noqon karo Xiddiga Cristiano Ronaldo oo ay marar badan isaga hor yimaadeen Spain.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here