Pep Guardiola Oo Sharaxay Sababta Ay Liverpool Haysato Wado Ka Fudud Mida Man City Tartanka Loogu Jiro Premier League.

0

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa rumaysan in ay Liverpool haysto wado fudud marka loo eego Man City tartanka loogu jiro tartanka horyaalka premier League sababta oo ah waxa ay Reds ciyaaraysaa kulamada ka dambeeya Man City.

Kooxda difaacanaya horyaalka premier League ee Man City ayaa 5 dhibcood ka dambaysay Liverpool ka hor inta ayna City xalay ka badin Arsenal taas oo keentay in ay 2 dhibcood haatan ka dambayso Liverpool.

Reds ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda West Ham waxana ay haystaan faa,iidada in ay dib u soo celiyaan 5-tii dhibcood ee ay markii hore ka horeeyeen City waxana ay kooxda Jurgen Klopp cadaadisku ku saaran yahay in ay badiso.

Laakiin inkasta oo ay Liverpool u baahantahay guul si ay u sii noolayso rajadooda ku guulaysiga horyaalka Guardiola ayaa rumaysan in ay iyagu haystaan faa,iido weyn.

“Waxa aan jeclaan lahaa in aan joogo Booska Liverpool, Cadaadiska ayaa ah marka aad hor ciyaarto oo aad dhibco lumiso, way adag tahay”ayuu yidhi Guardiola.

“Waxa muhiimka ah ayaa ah in aan dib u helnay nafeheena, Kulankii Newcastle maanu aqoonsan kooxdeeda xiddigaha aan aqaanay waxa ay soo laabteen kulankii Arsenal”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here