Pep Guardiola Oo Real Madrid Ka Caawin doona Helista Hazard, Hadaba Maxay Tahay Sababta ka Dambeysa arinkaan.

Kooxda Kubada Cagta ee Real Madrid ayaan weli ka quusan helista Eden Hazard kaas oo ay u arkaan xidiga kaliya ee dhaqaajin kara kooxdooda kadib marki ay lumiyeen Ronaldo oo Juventus ku biiray.

Kooxda uu hogaamiyo Pep ee Man City ayaa u fududeen doonta Real Madrid inay soo qaataan Hazard iyadoo Chelsea cadaadis ku saari doonto soo qaadashada Isco si ay Chelsea Hazard ugu Ogolaato In uu Madrid aado.

Isco ayaa ah xidig ay ku wada dagaalamayaan Pep Iyo Sarri kasoo midba midka kale uu doonaayo in uu la soo saxiixdo Bisha Janaayo.

Real Madrid ayaa Diyaar u ah inay Isco iyo lacag isugu daraan kooxda Chelsea si ay u helaan Eden Hazard oo muhiimad gaar ah u leh kooxda Reer Spain.

Hazard ayaa lagu wadaa In uu Chelsea Hishiis-ka Kordhin Doono asagoo noqon doona Xidiga U mushaarka Badan kooxdiisa Iyo Horyaalkiisa.

Uma Badno Bisha Janaayo in uu Dhici doono saxiixa Hazard maadaama uu horay u sheegay in uu ixtiraami doono tageerayasha kooxda Chelsea hadii u baxaayana aysan Ahaan Doonin Bartamaha Xilli Ciyaarredka.

Hazard ayaa weli baadi Goobaayo Goolkiisa Boqolaad ee kooxda Chelsea isagoo haatan u dhaliyaya 99-gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here