Pep Guardiola Oo Qirtay In Uu Caawimo Waydiisan Doono Man United & Liverpool Oo Sabab U Ah

0

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in uu caawimo waydiisan doono kooxda ay jaarka yihiin ee Man United si ay ugu guulaystaan horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

City ayaa u dagaalamaysa premier league, FA Cup, Carabao cup iyo Champions League laakiin Reds ayaa kaliya u tartamaysa premier League.

“Hadii Ay Liverpool 4 dhibcood naga horayso waliba booqanayso Old Trafford sidoo kale Man United naga dambayso 10 ilaa 12 dhibcood, waxa aan taageeri doonaa United”.

“Waxan u malaynayaa in ay United ka badin karaan Liverpool marka loo eego taariikhooda laakiin ha iloobin in aan anaguna halkaas tagi doon iskuna dayi doono in aanu badino”.

Labada Kooxood ee Liverpool & Man City oo 3/1 uga badiyay kulamadii hore Man United ayaa ku booqan doona Old Trafford qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

United ayaa dhankeeda si fiican u soo kacday kulamadii ugu dambeeyay iyada oo haatan 6 kulan oo xiriir ah premier League guul gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here