Pep Guardiola Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ka Fiican Man City Premier League Xilli Ciyaareedkan

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa magacaabay 2 kooxood oo xilli ciyaareedkan ka fiican kooxdiisa Man City kadib guuldaradii ka soo gaadhay Leicester City.

Pep Guardiola ayaa sheegay in ay kooxaha Liverpool & Tottenham ka fiican yihiin kooxdiisa Man City wakhti xaadirkan.

Man City ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad oo xiriir ah shalay kadib markii ay guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Leicester City.

Dhanka kae Liverpool iyo Tottenham ayaa guulo waaweyn ka gaadhay kooxda Newcastle & Bournemouth iyaga oo ku kaa jira kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Liverpool & Tottenham way u qalmaan waxa ay gaadheen waxa ay gaadheen guulo anaguna waxa aan la kulanay guuldaro”.

“Xilli ciyaareedkii hore waxa aan ahayn kooxda ugu fiican horyaalka Laakiin xilli ciyaareedkan Liverpool & Tottenham ayaa aad u fiican”.

“Waxa aan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka gaadhnay anaga oo haysana dhibco nagu filan laakiin kooxaha kale ayaa helay dhibco badan wayna naga fiican yihiin wakhti xaadirkan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here