Pep Guardiola Oo Maamulka Kooxdiisa U Sheegay In Uu Doonayo Thiago Alcantara & Qiimaha Ay City Diyaarka La Tahay Oo La Ogaadya

0

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola aya maamulka koxodiisa u sheegay in uu doonayo in loo keeno xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara marka la gaadho suuqa xagaaga.

Tababaraha reer Spain ayaa ah tababarihii Thiago Alcantara keenay kooxda Bayern Munich markii uu tababaraha u ahaa kooxdaas isaga oo sanadkii 2013 ka keenay Barceloa.

Xiddiga reer Spain aya kooxda Bayern Munich u ciyaaray 181 kulan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 28 gool sidoo kale caawiye ka noqday 31 kale.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in Pep Guardiola rajaynayo in uuMan City keeno Thiago Alcantara dhamaadka xilli cyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Pep Guardiola maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu ku dalbado lacag dhan 60 Milyan oo euro xiddiga.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa kooxda Bayern Munich kula jira heshiis ilaa sanadka 2021 ah kaas oo ah heshiiskii ugu dambeeyay ee uu saxiixay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here