Pep Guardiola Oo Khamaaraya Kulanka Finalka Ah Ee Carabao Cup Ee Ay Kooxdiisu La Ciyaari Doonto Chelsea

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa khamaaraya kulanka Finalka ee ay kooxda Man City la ciyaari doonto chelsea kulan ka tirsan Finalka Carabao cup-ka.

Pep Guardiola ayaa doonaya in uu kalsoonida siiyo goolhayaha da,yarka ah ee Arijanet Muric kuna bilaabo goolka finalka Carabao cup-ka.

20 jirkan ayaa ku bilowday kulan kasta oo Carabao cup-ka ah lagana dhaliyay kaliya hal gool 5-tii kulan ee uu ciyaaray.

Goolhayaha reer Kosovo ayaa ah badalka goolhaye Ederson isaga oo badalay Claudio Bravo kaas oo dhaawac wakhti dheer ah uga maqan.

Goolhaye Muric ayaan lahayn khibrad final laakiin Guardiola ayaa diyaar u ah in uu 20 jirkan ku bilaabo kulanka Finalka ee caawa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here