Pep Guardiola Oo Kashifay Wakhtiga Uu Benjamin Mendy Ku Soo Laaban Doono Shaxda Kooxdiisa

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa si Rasmi ah u sheegay Wakhtiga uu xiddiga Benjamin Mendy ku soo laaban doono garoomada kubada cagta kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac xun oo soo gaadhay.

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu Mendy ka qayb ahaan doono xiddigaha caawa la ciyaari doona kooxda Burton Albion ee ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-finalka tartanka Carabao cup-ka.

Xiddiga reer France ayaa kulamadii ugu dambeeyay ee Man City uga maqnaa dhaawac kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka Bidix.

Waxa la filayaa in uu xiddiga reer France garabka bidix ka ciyaaro kulanka ay Man City caawa la ciyaari doonto koxoda Burton Albion kadib markii uu garoomada ka maqnaa muddo ku dhaw 2 bilood.

Xiddiga reer France ayaa saaxiib la noqday dhaawac isaga oo xilli ciyaareedkan intiisa badan ku seegay dhaawacyo kala duwan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here