Pep Guardiola Oo Ka Xanaaqsan Go,aan Liverpool Faa,iido U Ah Oo Uu Xiriirka FA-gu Sameeyay

Tababaraha Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in uu ka xanaaqsan yahay go,aan uu FA-gu gaadhay kaas oo faa,iido weyn u siinaya Liverpool tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League.

Go,aankaas ayaa ah in FA-gu kulanka Ay Man City la ciyaari doonto Cardiff City laga dhigay kaliya 3 maalmood ka hor Semi-finalka FA Cup-ka.

Rajada Pep Guardiola ee ku guulaysiga 4-ta koob ayaa khatar gali doonta marka ay City la ciyaari doonto 6 ama 7 bisha April.

Laakiin City ayaa haatan 3 bisha April la ciyaaari Doonta Cardiff City ka hor inta ayna 6 aba 7 bisha la ciyaarin kooxda Brighton kulan Semi-finalka FA Cup-ka ah.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay talaabadaas si xoogan uga xanaajisay Guardiola maadama ay faa,iido siinayso kooxda Liverpool hadii uu ku qasbanaado in uu is badal weyn ku sameeyo shaxdiisa.

City ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League inkasta oo ay 2 dhibcood ka dambayso Liverpool laakiin waxa baaqi u ah hal kulan.

Si kasta ha ahaatee Hal siibasho oo ay samayso Man City ayaa horyaalka gacanta u galinaya kooxda Jurgen Klopp taas oo wal-wal ku ah Guardiola.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here