Pep Guardiola Oo Doortay Mid Ka Mid Ah 3-da Xiddig Ee Ugu Fiican Premier League

Marka la dooranayo 3-da xiddig ee ugu fiican premier League waxa aad marka ugu horeeya eegaysaa rikoodhka gool dhalinta xilli cyaareedka.

Xiddigaha Harry Kane, Mo Salah & Sergio Aguero ayaa ah xiddigaha ugu goolasha badan halka laga yaabo in ay dad yar doortaan xiddigaha David De Gea ama Virgil Van Dijk.

Laakiin sida laga soo xigtay Pep Guardiola xiddiga kooxdiisa khadka dhexe uga ciyaara ee Bernardo Silva ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican premier League.

24 Jikran reer Portugal ayaa ah mid ka mid ah xiddigaha ugu qaab ciyaareedka fiican sida uu sheegay tababarihiisa pep Guardiola.

Kubad sameeyaha ayaa kaliya seegay hal kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan isaga oo ka ciyaar badan xiddigaha Raheem Sterling, Aguero ama David silva.

Waxana uu tababarihiisu aaminsa yahay in ay tahay in uu noqdo xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League.

“Waa xiddiga ugu weyn haatanba”ayuu Guardiola yidhi.

“Waxa uu haystaa wax walba, waa qof cajiib ah marna ma sameeyo waji xun xitaa hadii uu ciyaaro 5 daqiiqo oo kaliya”.

“Waa qofka loogu jecl yahay kooxdeena dhexdeeda, waa mid ka mid ah xiddigaha ugu tayada fiican ee aan abid arkay, waxa uu ka ciyaari karaa 3 ilaa 4 boos, wuu garanaya marka uuna si fiican u ciyarin laakiin mar walba wuu ordaa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here