Pep Guardiola Oo Bilaabay In Uu Ciyaar Maskaxeed La Ciyaaro Liverpool Kadib Markii Ay Kooxdiisu Kala Wareegtay Hogaanka

0

Tabababraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay kadib markii ay Man City hogaanka ka fara maroojisay Kooxda Liverpool kadib guushii Everton.

Pep Guardiola ayaa qirtay in uuna ogayn in ay Liverpool difaacan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay Liverpool kala wareegtay hogaanka horyaalka.

City ayaa 2/0 ku garaacday Everton iyaga oo markii ugu horaysay hogaanka qabtay tan ilaa 16 bishii December.

Man City ayaa goolal kaga haysa Liverpool laakiin Wiilasha Jurgen Klopp ayaa ku soo laaban doona kaalinta 1-aad hadii ay Sabtida ka badiyaan Bournemouth.

“Ma Garanayo halkaan gaadhi doono, waxa laga yaabaa in aan ku dhiman doono wadada laakiin waa isku dayi doonaa”ayuu Klopp yidhi.

“Waxa aan hal kulan ka horaynaa Liverpool laakiin waxa fiican in hogaanka la qabto, laakiin Liverpool waxa ay aadi doontaa Old Trafford”.

“Wax badan kama fikiro laakiin 4 ilaa 5 maalmood waxa nalaga horayn lahaa 7 dhibcood waana cashar laga baran karo in aanand marnaba is dhiibin”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here