Pep Guardiola Oo Amaan Ugu Qubeeyay 6 Xiddig Oo Arsenal Ah

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Pep Guardiola ayaa amaan ugu qubeeyay 6 xiddig oo ka mid ah kooxda Arsenal ka hor kulankooda caawa ee premier league.

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta Arsenal kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisiii 25-aad.

Tababare Pep Guardiola ayaa sidoo kale amaanay tababarka ay isku dalka yihiin ahna tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery.

“Emery waxa uu qabanayaa shaqo cajiib ah, waa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay, oo uu hogaaminayo xiddigo cusub, waxa uu horay u soo qabtay shaqo heer sare, Spain oo 2 kooxood ilaa 3 koox ah, PSG haatana waxa uu shaqo fiican ka hayaa halkan”.

Isaga oo ka hadlaya xiddigaha Arsenal ayuu yidhi” waxa uu noqon doonaa kulan mar walba adag oo xiiso leh maadama Arsenal waxa ay haysataa xiddig khadka dhexe ah oo cajiib ah sida Granit Xhaka, Lucas Torrera, Mattéo Guendouzi, waxa sidoo kale jira xiddigaha weerarka uga ciyaara oo cajiib ah sida Alexandre Lacazette oo ah weeraryahan cajiib ah Iyo Pierre-Emerick Aubameyang, oo ah xiddigo ordi kara garabka weerarka, Ozil oo dhiibi kara baas cajiib ah, waa koox heer sare ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here